Latest News

Dagaalka Calmiskaad ee Daacish lagula jiro looma baahna inay Xamar siyaasadayso

Haatufonline,November 24,2025

Waxa caasimadda dawladda federaalka Somalia ee Muqdisho dhawaan tagay wafdi sheegay inay ka socdaan Beesha Cali Saleebaan ee degta gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland gaar ahaan deegaanka Buuralyada Calmiskaad halkaas oo laga bilaabo horaantii sanadkan uu ka socday dagaal ay Puntland kula jirto maleeshiyada Daacish.Imaatinka Muqdisho ee wafdigan ayaa kusoo beegmay xili ay Puntland isu diyaarinaysay inay weerar kama dambays ku qaaddo godad ku yaala buuralayda deegaaaka togga Baallade oo la aaminsanyahay inay ku dhuumanayaan firxadkii Daacish ee ka hadhay dagaaladii hore.

Hasayeeshee markii uu wafdigani soo gaadhay Muqdisho waxa uu dhaliil usoo jeediyey qaabka ay Puntland u waddo dagaalka Calmiskaad. Waxa kale oo uu maamulka Garoowe ku eedeeyey inuu barakiciyey dadkii beeshooda ka tirsanaa ee ku noolaa deegaanka togga Baallade, isla markaana waxay sheegeen inuu gurac galay dhismihii dawladnimada Puntland oo loo baahanyahay in dib loo saxo iyo waliba in beesha Cali Saleebaan ay dhawaan qabsan doonto shirweyne u gaar ah oo ay arimahaasi kaga tashanayaan.

La iskuma hayo inay jiraan tabashooyin xoog ah oo ay beesha Cali Saleebaan ka tirsanayso maamulka Garoowe, xaqna ay uu leedahay inay ka hadasho oo madaxda maamulkuna aanay iska indho tirine balse si dhab ah wax uga qabtaan iyadoo beesha Cali Saleebaan way in badan lahaayeen taladii Puntland waxa isku koobay walaalahood Maxamuud Saleebaan(Cismaan Maxamuud,Cumar Maxamuud iyo Ciise Maxamuud) oo iyaga banaanka uga saaray sami qaybsigii xukunka Puntland.Taabashadan wax-ka-qabasho la’aanteeda waxa ka faaiidaystay hogaamiyaha Daacishta Somalia Cabdulqaadir Mu’min oo isagu u dhashay Cali Saleebaan iyadoo uu deegaanka beeshiisa uu saldhig uga dhigay maleeshiyadiisa.

Waxa seh meesha ku jirta in cidda ay Cali Saleebaan wax ka tababanayaan aanay ahayn Muqdisho ee ay tahay Garoowe. Shakina kuma jiro in dawladda Xasan Sheekh oo xurguf siyaasadeed dhextaalo isaga iyo Puntland,ay ka dambaysay aadna u buunbuunisay siyaasiyiinta Cali Saleebaan ee Muqdisho ka degay, iyadoo ku xumaynaysa madaxweynaha maamulka Garoowe Siciid Deni. Hasayeeshee maamulka Xasan Sheekh kol hadii uu ka maagay la dagaalankii Alshabaab oo sida muuqatana uu Puntland kaga baxay la-dagaalankii Daaciish, waxa ku nusqaana inuu Garoowe dibindaabyo kale ugu daro oo uu kolba tashwiish siyaasadaysan dhinac kaga furo dadaalka uu Siciid Deni ugu jiro inuu dalkiisa ka xoreeyo argagixisada Daacish.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*