Latest News

Dambiyada Iyo Xad-gudubyada Ka Dhaca Badwaynta Dhexdeeda

Haatufonline,August 6,2023 –

Meeraha aynu ku noolnahay(planet earth) wuxu ka koobanyahay 29% dhul qaarado iyo jasiirado yar yar ah inta kalena waa biyo ay 96.5% yihiin biyo milix ah inta kalena waa biyo caadiya oo lagu qiyaaso 1,386 milyan km3 oo waliba u badan
biyo-barafka fadhiya cirifka waqooyi(north pole) iyo cirifka koonfureed(south pole) ee dunida iyadoo 0.7% oo ka mid ahi yihiin biyaha aaynu manaafacaadsanno ee ku jira dhulka hoostiisa,wabiyada,haraha iyo durdurada. Halkaas waxaad ka garanaysa in biyaha macaan ee aduunka u hadhay yihiin wax aad u yar oo loo baahanyahay in lagu mitido dhawristooda israafkana laga Ilaaliyo.
Biyahan badaha ee qaryiyey 70% dhulkii aduunka,kaloonka aynu cunno ka sakow, waxaynu ka helnaa 50% Oksijiinka(Oxygen) aynu neefsanno. Hadana waxay hawada ka nuugaan Kaarboonka(carbon( iyo Kulaylka(heat) uu bani aadamku sababo. Boqolkiiba 90 ganacsiga dunidu wuxu iskaga gudbaa badaha.

Waxaynu ka warqabnay dhibta dhaqan-dhaqaale ee wadamada xeebta leh ka haysata kaluumaysiga sharcidarada ah iyo kaluumaysiga xad dhaafka ee xaalufiya badda .
Waxase isa soo taraya fal dambiyeedyo iyo xad-gudubyo abaabulan oo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo ka dhaca badaha dhexdooda.Waxa dhacda in lagu xadgudbo xuquuqda shaqaalaha saaran maraakiibta kaluumaysiga ee badweynta ku sugun oo khasab lagaga dhigo inay shaqeeyaan saacado dheeraad ah oon lacag lagu siinin, isla markaana badda lagu hayo muddo dheer oo ka baxsan mudadii heshiiskii lagula galay. Waxa kale oo jira oo badaha ka dhex dilaacay cisaabado ka ganacsada mukhadaraadka iyo qaar tahriibiya hubka iyo dadkaba.
Inta badan waxa adag in la ogaaado dambiyadaasi sabato ah waxay ka dhacaan badweynta dhexdeeda oo aad uga fog dhulka ay joogaan hayadaha dawladaha u qaabilsan sharci ilaalinta iyo sharci fulintuba. Fogaanshehaasi iyo baaxadda balaadhan ee ay biyaha baddu fidsanyihiin min qaarad ilaa qaarad ayaa dheeri galinaysa inay hoy iyo gabbaad u noqoto dambiileyaasha.

Lama sahlan karo in badaheenu noqdahan bahalo-galeen. Waxa loo baahanyahay xeerar caalamiya iyo qaar maxali ahba oo wax laga qabanayo fal-dambiyeeyada iyo xad-gudubyada isa soo taraya ee ka dhaca badwaynta dhexdeeda. Waa in tusaale ahaan la qeexaa masuuliyadda shirkadaha iyo mulkiileyaasha leh maraakiibta ka saaran in aanay qarinin fal-dambiyeedyada ka dhaca maraakiibtooda balse ay usoo gudbiyaan hayadaha sharci fulinta. Waxa kale oo lagama maarmaan ah in lasoo gaabiyo mudada ay maraakiibtu ku maqnaan karto badda. Xamuulka lagula kala wareegayo badwaynta dhexdeeda ayaa marakiibta u saamaxaya inay muddo dheer ku jiraan badda taasina waxay dhiirigalinaysa in dambiga dhaca aan la ogaan ama la qariyo.Tegnoolojiyada ayaa iyaduna wax wayn ka tari karta sidii loola socon kari lahaa fal dambiyeedyada iyo xad-gudubyada ka dhaca meelaha fog fog ee badaha dhexdooda ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*