Latest News

Kala Shakiga Oo Caawa Laaska Cirka Maraya Iyo Ninkii Baharsame Ee Qasaaska Lagu Xukumay Oo Lagu Arkay Saaxdheer Kadib Markii La Sheegay In Nin Oromo Ah Lagu Badalay

Laascaanood August 3 2023(Haatufonline)-Caawa waxa cirka isku shareeray shaki si wayn usoo kala dhex galay Huwantii Laascaanood ka dib markii Jaamac Maxamed Axmed (Dheere) oo shalay la sheegay in lagu fuliyey xukun qasaas ah hadana isla maanta lagu arkay Saaxdheer.Jaamac Dheere oo kasoo jeeda beesha Baharsame ayaa qasaaska ku mutaystay kadib markii uu Laascaanood ku dilay Saleebaan Dirir Samatar oo ka tirsan Jaamac Siyaad . Garaadka Baharsame Jamac Garaad Cali ayaa beesha Jaamac Siyaad usoo jeediyey mag sadex boqol oo halaad ah in laga siiyo ninkii la dilay hasayeeshee waa laga diiday waxaanay reerkii marxuumku ka baxay ku adkaysteen in Jaamac Dheere loo dilo.Waxaanay ahayd shalay markii baraha bulshada lagu baahiyey sawirka nin wajigiisa maro kolay ah lasoo galiyey oo tiir ku xidhan kaasoo lagu tilmaamay inuu ahaa Jaamac Maxamed Axmad(Dheere).

Hadaba waxa isa soo taraya warar sheegaya in qofka dilka lagu fuliyey ahaa nin Oromo ah oo Bosaaso u tahriibayey oo aanu ahayn Dheere. Arintan oo kicisay dareenka bulshada Jaamac Siyaad darteed ayaa waxa caawa is-urursaday oo magaaladii Laascaanood dhinac uga baxay wixii Baharsame ahaa oo ay fiintu kala dhex miranayso iyaga iyo Jaamac Siyaad.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*