Latest News

Dareewal Baabuur Xamuul Ah Ku Wadan Jiray Maraykanka Oo Isusoo Sharaxay Gudoonka Baarlamanka Somalia

Muqdisho,April 22,2022(Haatufonline)   Dalka Somalia ayaa mudadi uu     Maxamed Cabdillaahi Farmaajo xilka madaxtinimada qabtay waxa dhaqan u noqotay in niman qurbaha kaga shaqaysan jiray mihnadda dareewal nimada xilal sar sare laga siiyo dawladda Somalia iyadoo nimanka caynkaas ah uu ugu caansanaa wasiirkii Qorshaynta ee Farmaajo Jamaal Maxamed Xasan oo taksiile ka ahaan jiray dalka Kanada iyo wasiirka Arrimaha Dibadaha ee 4Rukun.Waxa iyaguna jira qaar noloshaba ka dhacay oo markay qurbihii kasoo noqdeen xilal sar sare loo magacaabay ama lagu daray baarlamanka.

Hadaba sheekada ugu cajiibsani waxay hadda ka socotaa Golaha Shacabka ee Somalia iyadoo gudoomiyaha golahaasi loosoo sharaxay nin la yiraahdo Xasan Cabdinuur oo dalka Maraykanka kaga shaqaysan jiray baabuur xamuul ah.Xasan oon wax waayo-arganimo ah u lahayn arimaha siyaasadda waxa musharaxnimadiisa dabada ka riixaya Laftagareen iyo Farmaajo kuwaasoo doonaya inay barbar eryaan siyaasiga weyn ee Sheekh Aadan Madoobe oo isagu u qalma kursigaasi balse aanay Villa Somalia doonayn inuu xilkaasi qabto sababto ah waxaanu noqonayn qof ay kooxdaasi ku shaqaysan karaan sida wiilka fadhi baradka ah xagga siyaasadda ee Xasan Cabdinuur.

Connect with us on Facebook