Latest News

Ururada Siyaasada Somaliland Oo Sheegay In Doorashada Ugu Soo Horaysaa Ay Tahay Ta Ururada

Hargeysa, November 15, 2022 (Haatufonline) -Ururada Siyaasadda Somaliland ayaa ka hadlay xaalada Somaliland ee ku saabsan muranka doorashada dalka, waxaanay si cad u sheegeen in doorashada u soo horaysaa ay tahay doorashada Ururada.

Sagaalkan Urur siyaasadeed oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa intaasi ku daray in habka kaliya ee lagu iman karo hoggaaminta dalkan ay tahay hab doorasho oo aanay cidina iska sheegan karin Madaxweyne.

Sidoo kale ururadu waxay hoosta ka xariiqeen in saddexda xisbi iyo 9ka urur siyaasadeed inay isku xuquuq yihiin markabla gaadho 26ka bisha 12aad ee sanadkan oo liisanku uu ka dhacayo saddexda xisbi qaran.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*