Latest News

Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Mudada Ay Ku Qaban Karaan Doorashada Madaxtooyada

Hargeysa, September 24, 2022 (Haatufonline) -Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in doorashada Madaxtooyada oo ku mudaynay 13ka November aanay qabsoomi karin.

Guddida doorashooyinku waxay tilmaameen in mudo 9 bilood ah ay ku qaban karayaan farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaanba, sida ay ku sheegeen go’aamo ay soo saareen oo u dhignaa sidan:-

“Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu soo saaray go’aamadan;

  1. In Doorashada Madaxatooyada JSL ee u qorshaysnayd in la qabto 13-ka Nov 2022 oo ah bil ka hor dhammadka muddo xilleedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, aannay farsamo ahaan, iyo dhaqaale ahaan ba qabsoomi karayn.
  2. In Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, farsamo ahaan ku qaban karaa doorashada Madaxtooyada JSL muddo Sagaal (9) billood ah oo ka bilaabmaysa 1st October 2022.
  3. Gebogebadii Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL wuxuu muddadaa Sagaalka (9) billood ah ku diyaarinayaa dhammaan arimaha farsamo, dhaqaale ee ay u baahan tahay Diiwaangalinta Codbixyeyaasha iyo qabsoomida doorashada Madaxtooyada JSL.

ALLAA MAHAD LEH
AFHAYEENKA KDQ,

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*