Latest News

Dekadda Muqdisho oo lagu qabtay konteenar kiniinka maanka dooriya markii afraad ee sanadkan

Haatufonline,December 16,2025

Dekadda Muqdisho ayaa shalay lagu qabtay konteenar lagu soo qariyey kiniin maandooriye ah oo la doonayey in lagu iibiyo suuqyada magaalada Muqdisho iyo kuwo kale oo dalka gudahiisa ah. Saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka iyo maamulka dekadda oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in ciddi soo dajisay konteenarka maandooriyuhu ku jiray la qabtay oo maxkamadda la horkeeni doono.

Waa markii afraad ee sanadkan gudahiisa konteenaro maandooriye ku jiro lagu qabto dekadda Muqdisho.Hasayeeshee marka laga qiyaas qaato sida ba’an ee isticmaalka kiniinka maanka dooriyaa ugu faafayo dhilinyarada Muqdisho dhexdooda,waxa hubaal ah inay jiraan shixnado kale oo dekadda soo dhaafay iyadoon la qabanin. Inkastoo aanay masuuliinta hadlay sheegin nooca kiniinka la qabtay iyo dalka laga keenay ,hadana sida la ogsoonyahay waxa inta badan Muqdisho la keenaa kiniinka laga sameeyo maadada Amphetamine taasoo hadii tiro badan la liqo maanka doorisa.

Dhinaca kale waxa maandooriyaha tirada badan ee sifada sharci darada ah kusoo galayey dalka Somalia mudooyinkan dambe, loo tirinaya heshiish iskaashi oo ku saabsan ganacsiga hubka iyo daroogada oo la sheegay inuu dhexmaray Xuutiyiinta Yaman iyo ururka Alshabaab. Xuutiyiinta iyo dalka ay xulafadayihiin ee Iran oo labadaba ay ku habsatay busaarad dhaqaale,ayaa haatan u tafaxaytay inay dakhli ka sameeyaan ganacsiga sharci-darada ah ee mukhadaraadka(illicit drugs) iyadoo sadexdii bilood ee u dambeeyey badda Cumaan lagu qabtay shixnado kiniinka maanka dooriya ee Methamphetamine iyo kookayn (cocaine) ah oo laga soo diray dalka Iran oo qiimahooda suuqa madow Jamac ahaan lagu qiyaasay lacag hal bilyan iyo badh oo doolar ah.Waxa intaas dheer xadka Sucuudiga iyo Yaman oo dhawr jeer sadexdii bilood ee u dambeeye lagu qabtay kiniinka Captagon-ka kaasoo ah maandooriye ay Xuutiyiintu ka ganacsadaan una iib geeyaan dalalka Khaliijka iyo Geeska iyo Bariga Afrika.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*