Dibadbaxyo Ka Dhan Ah Xukuumada Ciro Oo Ka Dhacay Hargeysa/Sheekh Iyo Suldaan Laga Soo Xidhay Berbera.
Hargeysa, July 22, 2025 (Haatufonline) – Ciidanka booliska Somaliland ayaa maanta Suldaan Qabile ka soo xidhay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil kadib markii uu warbaahinta ka sheegay in Aan la aasi doonin laba dhalinyar ah oo todobaadkan lagu dilay magaalada Hargeysa inta laga soo qabanayo gacan ku dhiiglihii dilka geystay.Suldaan Qabile ayaa u muuqday mid Fariin hawada u marinayey Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Ciro, kaas oo uu ku eedeeyey in xukuumadiisa iyo hay’addaha Amaanku inay ku fashilmeen soo qabashada ninka dilka Geystay.Sidoo kale dibadbaxyo ka dhan ah xukuumada Cabdiraxmaan Ciro ayaa ka kala dhacay magaalooyinka Hargeysa iyo Sheekh, kuwaas oo dadweyne cadhaysani ay wadooyinka ku gubeen taayiro, iyaga oo ku dhawaaqayey halku dhigyo ay ka mid ahaayeen “Labada Marxuum waa inay Cadaalad helaan”.Dhawrkii bilood ee ay jirtay xukuumada Cabdiraxmaan Ciro ayaa waxa ka dhacay dalka dilal fool xun oo noocyada hubka loo adeegsaday sida Mindiyaha, Baastooladaha iyo Qoryaha kale ee fudud.
Leave a comment