Latest News

Diblomaasiga Ugu Sareeya Maraykanka Oo Dagaalka Ka Dhanka Ah Tigrayga Ethiopia Ku Qeexay ‘isir sifayn’

Washington, March 11, 2021 (Haatufonline) – Xoghayaha arimmaha dibada dalka Maraykanka Anthony Blinken ayaa dalbaday in ciidamada Eritrean-ku ay iskaga baxaan gobolka Tigrayga Ethiopia ee ay jaarka yihiin, Arbacadii shalay, sida ay muujinayaan caddayma cadcad ee dembiyada dagaal ee naxdinta leh ee soo shaac baxay.

Diblomaasigan ugu sareeya Maraykanka ayaa ka hor cadeeyay Aqalka congress-ka inuu doonayo inuu arko ciidamada amaanka ee gobolka “kuwaas oo aan ku xadgudbi doonin xuquuqda aadanaha ee dadka Tigray ama aan sameyn doonin falal isir sifayn ah ee aynu kusoo aragnay galbeedka Tigrayga,” sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AFP.

 “Taasi waa inay istaagtaa. Waxaanu sidoo kale u baahanahay isla xisaabtan buuxa,” ayuu Blinken ku yidhi mar uu ka jawaabayay su’aal guddida arrimaha dibedda ee Golaha Congress-ku waydiiyeen. “Waxaanu u baahanahay inaan helno baadhitaan madaxbanaan oo ku saabsan wixii halkaas ka dhacay, waxaana u baahanahay nooc ka mid ah hanaanka, geedi socodka dib u heshiisiinta si dalku hore ugu socdo dhinaca siyaasada.” Ayuu intaa raaciyey xoghayaha arimaha dibada ee Maraykanku

Warbixinno fara badan ayaa tilmaamay in ciidamo ka socda dalka deriska la ah ee Eritrea, kuwaas oo si joogto ah u beeniya inay joogaan gobolka Tigray, dilal wadareedyo ay ka mid yihiin xasuuq ay geysteen askar la sheegay in ay ku hadlayeen lahjad Ereteriyaanka ah.

Markhaatiyada, goobjoogayaasha badbaaday, iyo sidoo kale dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha caafimaadka ee Tigraga ayaa cadeeyay in ciidamada Eriteriya oo ay weheliyaan askarta Itoobiyaan ahi ay geysteen kufsi, oo ay kujiraan xadgudubyo galmo oo budhcadu gaysatay oo ilaa 10 qof ay kaqeyb qaadanayaan.

Mid kamid ah haweenka u dooda xaquuqda haweenka ayaa sheegtay in kufsiga loo adeegsaday sidii hub dagaal.

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo 2019 ku guulaystay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel, ayaa bilaabay duulaan millatari bishii November kadib markii uu ku eedeeyay xisbiga haya talada gobolka Tigrayga, ee Jabhadda Xoreynta Dadka Tigraga, inay weerareen saldhigyo ciidanku leeyihiin.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*