Latest News

Farmaajo Oo Ka Walaacsan In Shirka Ku Saabsan Furdaaminta Khilaafka Doorashada Lagu Qabto Teendhadii Isaga Lagu Doortay 2017

Muqadishu,March 12,2021(Haatufonline)-Madaxweyni Somalia ee mudo-xileedkiisu dhamaaday Maxamad Cabdilaahi Farmaajo ayaa laga soo warinaya inuu ka walaacsanyahay in shirka la filayo inuu dhawaan ka dhaco Muqdisho ee lagu furdaaminayo khilaafka ka taagan Doorashada lagu qabto teendhadi Afisyooni ee isaga lagu doortay 4 sanadood muddo hadda laga joogo.
Farmaajo oo ilaa hadda aan wareejin xilki madaxweynaha ayaa waxa uu dareensanyaha in daqiiqadda uu galo Teendhadi lagu soo doortay u lumin doono madaxweynenimadi uu sheeganayey tan iyo maalinti uu waqtigiisu dhammaaday oo aheyd February 7,2021.
Farmaajo ayaa la sheegayaa in cuqdada u ka qaaday Tendhada laga dhisay xerada Xalane waxa uu qorshaynaya in madaxweyneyaasha Galmudug,Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed qaadacaan shirka hadii aan lagu qaban VillaSomalia oo ah madaxtooyada Somalia.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*