Latest News

Diblomaasiyiinti Maraykanka Iyo Faransiiska U Fadhiyey Sudan Oo Loo Soo Daadgureeyey Djibouti

Djibouti,April 23,2023 ( Haatufonline)- Waxa maanta caasimadda dalka Djibouti ee Djibouti soo gaadhay diblomaasiyiintii Maraykanka iyo Faransiiska u fadhiyey dalka Sudan iyo qoysaaskoodii kadib markii ciidamada labadaas dawladood ay dadkaasi kasoo daadgureeyeen magaalada Khartoum ee sagaalkii maalmood ee u dambeeyey uu dagaalka ba’ani ku dhexmarayey Militariga Sudan ee uu hogaamiyo Janaraal Cabdulfataax Alburhaan iyo ciidanka Birmadka deg dega ah ee uu hogaamiyo Janaraal Maxamad Xamedti.

Waxa ilaa xalay dalka Sudan kasocday hawlgallo ay fulinayaan ciidamo shisheeye oo ku saabsan samatobixinta diblomaasiyiinta reer Galbeedka iyo qoysaskooda ku sugan Khartoum iyadoo la filayo in qaar kale oo ka mid ah la keeno Djibouti ka hor intaan dalalkooda loo qaadin. Ingiriiska ayaa iyagu na diblomaasiyiintoodi iyo qoyasaskoodii xalay kala baxay Sudan waxaanay u duuliyeen jasiiradda Qubrus oo ay saldhig ku leeyihiin.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*