Latest News

Djibouti Oo Ay Kusoo Qulqulayaan Ajaanib Laga Soo Daadguraynayo Sudan

Djibouti,April 24,2023(Haatufonline) – Waxa caasimadda dalka Djibouti ee Djibouti soo gaadhaya dad ajaanib ah oo u badan diblomaasiyiin iyo qoyskoodii oo laga soo daadgureeyey caasimadda Sudan ee Khartoum.
Wadamada shaqaalihii safaaradahooda kala soo baxay dagaalka ka socda Sudan waxa ka mid ah Maraykanka,Faransiiska,Norway, Spain ,Germany kuwaasoo lagu soo qaaday diyaarado militari oo keenay Djibouti.

Talyaaniga,Sucuudiga,Urdun,Kuwait iyo Koonfurta Korea ayaa iyagu diblomaasiyiin iyo muwaadiniin u dhashay wadamadooda waxay Khartoum kaga saareen baabuur kolonyo ah oo u qaadday ilaa Portsudan oo ku beeggan 813 km waqooyiga Khartoum,waxaanay halkaas ka raaceen maraakiib dagaal ama diyaarado

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*