Latest News

Digniin Cusub Oo Kasoo Baxday Militariga Israel In Laga Baxo 3 Dekadood Oo Yamani Leedahay

Haatufonline,May 14,2025

Militariga dalka Israel ayaa maanta soo saaray digniin cusub oo ay dadka kula talinayaan inay gabi ahaanba iskaga baxaan sadexda dekadood ee Xudayda,Raas Ciisa iyo Saliif ee ay maamulan Xuutiyiintu.
Digniintan oo ah tii labaad ee todobaadkan kasoo baxda Militariga Israel ayaa timid kadib markii ay Xuuthiyiintu Arbacadii saaka gantaal ku ganeen dalka Israel kaasoo ahaa kii sadexaad ee ay u
ridaan dhinaca Israel 24 kii sacaadood ee u dambeeyey.
Israel ayaa digniintan oo kale soo saartay Axaddi dhawayd balse ma dhicin wax weerar ah oo ay goobahaas kusoo qaadeen.
Sadexda dekadood ayaa waxay Xuutiyiintu ku qabeen dhaqaale mudakar ah,waxaana uga soo dagi jiray hubka ay Iran ku taakulayso sida gantaalaha masaafadaha dhaa dheer gaadha(Ballistic Missiles),diyaaradaha daroonka,rasaasta iyo shidaalkaba.
Xuutiyiinta ayaa kadib markii ay sanadkii 2015 la wareegeen gabi ahaanba saanadii ciidan ee dawladdi Yaman ee burburtay ayaa bilaabay inay hubka kontarabaanka ah ka ganacsadaan iyadoo ay dekadda Xudayda iyo jasiiradda Kamaraan noqdeen goobaha hubka looga tahriibiyo dhinaca Somalia iyo xeebaha bariga Afrika

Inkastoo ay Maraykanku joojiyeen weeraradoodii ka dhanka ahaa Xuutiyiinta hasa yeeshee waxa muuqata in Israel bartilmaameed ka dhiganayso sadexdaas dekadood oo aanay marnaba ogolaanayn inay dib u shaqeeyaan,waxaana suurtogal ah inay cirka ka duqeeyaan markasta oo Xuutiyiintu isku dayaan inay dib u hagaajiyaan sadexdaa dekadood iyo madaarka Sancaba.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*