Dilka Jacfar Gurey Waxay Alshabaab Ku Wayday Hogaamiye Ruug-Caddaa Ah
Haatufonline October 31,2025
Waxa todobaadkii hore la sheegay in duqayn lagu dilay Jacfar Gurey oo ka mid ahaa tirada yar ee ka hadhay hogaamiyeyaashi ruug-caddaaga ahaa ee ururka Alshabaab.
Ma jiraan wax macluumaad ah oo laga hayo taarriikh nolaleedkiisii hore intaanu Alshabaab ku biirin laakiin magaciisa saxda ahaa wuxu ahaa Maxamad Cabdi Xaamud inkastoo lagu yaqiinay magaciisa kale ee Jacfar Gurey.
Hasayeeshee la iskuma hayo in Jacfar Gurey ka mid ahaa xubnaha ugu khatarsan ee ugu tagradi badan ee soo maray Alshabaab isagoo ururka lasoo bilaabay aasaaskiisii ilaa habeenkii 26 Oktoobar ee lagu dilay saldhiga wayn ee Alshabaab ku leeday deegaanka Bu’aale ee ka tirsan Jubaland.
Waxa la aaminsanyahay in Jacfar Gurey injineerka walxaha qarxa ee laga fuliyo qaraxtada ka dhaca magaalada Muqdisho.Waxa kale oo uu hayey xilal kale sida sirdoonka dibadda iyo amniga hogaanka Alshabaab taasoo muujinaysa kalsoonida wayn ee uu ku lahaa ururka dhexdiisa.
Siday la sheegay Jacfar Gurey waxay aad isugu dhawaayeen amirkii hore ee Alshabaab Axmad Cadi Godane waxanay wada curiyeen nidaamka maaliyadeed ee Alshabaab ku urursato lacagaha ay khasabka ka qaadaan ganacsatada iyo dadwaynaha rayidka ah.Waxa kale ay labadoodu hindiseen sirdoonka Alshabaab ee loo yaqaan Amniyaatka iyadoo xidhiidka ka dhaxeeyey Godane ka badbaadiyey kharajintii uu Godane kula kacay hogaamiyeyaashi kale ee ay gudaha ururka isku qabteen.
Leave a comment