Latest News

Diyaarad Sidday Gargaar Oo Lagu Weeraray Qansax-dheere

Qansan-Dheexe, May 25, 2020 (Haatuf) – Diyaaradd siday agab gargaar ah ayaa lagu rasaaseeyey degaanka Qansax-dheere oo ka tirsan Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Somalia xilli ay doonayso inay halkaasi ku degto, sida ay sheegayaan in wareedyo kala duwan oo ku sugan halkaasi.

Diyaaraddan ayaa lagu weeraray rasaasta fudud xili saacadu ay ahayd 12-kii duhurnimo ee shalay, waxaanu shilkani keenay in diyaaradaasi ay markii dambe ka soo kacday Qansax-dheere oo ay dib ugu soo noqotay magaalada Muqdisho.

Waxaanay wararku sheegayaan in diyaaradani ay siday oo ay Qansaxdheere gaysay gargaarka nafaqada dumarka iyo carruurta ah.

Ilaa hadda ma cadda sida ay wax u dhaceen. Ma jirto cid wax ku noqotay diyaaradda, inkastoo oogada diyaaradda ay rasaas ka muuqato.

Mid ka mid ah saraakisha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in loo malaynayo in Al-Shabaab ay rasaasta ku fureen diyaaradda.

Bishan horraanteedii ayey ahayd markii diyaaradi ku dhacday Bardaale taasi oo ay ku dhinteen lix qof oo saarnaa. Mas’uuliyiinta maamulka ayaa sheegay inay ciidamada Itoobiya rasaaseeyeen diyaaradda, waxaana haatan socda baadhitaan dheeraad ah.

Dhinaca kale Maleeshiyo Al-shabaab ka tirsan ayaa weerar ku qaaday Xero ku taala degmada Balcad ee Shabeelada Dhexe, sida ay sheegeen Ururka Al-shabaab oo sheegtay inay dileen laba Milatariga ka tirsan, kadibna ragii hubaysnaa ay iskaga yaaceen goobta markii shilkaasi dhacay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*