Latest News

Boqolaal Ciidamo Calooshooda U Shaqaystayaal Ruusha Oo Iskaga Baxay Libiya

Tripoli, May 25, 2020 (Haatuf) – Boqolaal qandaraaslayaal Milatari rush ah oo ku sugnaa dalka Libya ayaa laga daadgureeyey Isniintii shalay kadib markii ay dib uga laabteen dagaalladii ka dhacay furimaha hore ee caasimadda Libiya, oo ay la galeen xoogagga taageerayey midnimada dawladda.

Sheegashada ayaa timid kadib dib-u-dhacyo isdaba joog ah oo ku yimid taliyihii militariga bariga-Khalifa Haftar ee muddada hal sano ah doonayey inuu Tripoli ka qabsado Dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto ee Liibiya.

Diyaarad nooca xamuulka ah ee ee Antonov 32 ayaa soo caga dhigatay maddaarka Bani Walid si ay dib u bilowdo daad-gureynta calooshood u shaqeystayaasha kooxda Wagner ee ka soo cararay koonfurta Tripoli una dhaqaaqey meel aan weli la xaqiijin,” sida ay sheegeen ciidamada taabacsan Dawladda Libiya oo Twitterka ku baahiyey.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*