Diyaargarow Balaadhan Oo Dib Loogu Qabsanayo Moqokori Oo Ka Socda Maxaas
Haatufonline,July 12,2025Waxa magaalada Maxaas ee gobolka Hiraan ka socda abaabul ciidan oo balaadhan oo ujeedadiisu tahay sidii Alshabaab looga saari lahaa tuulada Moqorkori oo ay qabsadeen muddo 8 maalmood laga joogo walina ay gacanta ku hayaan._Haatufonline_ wuxu ka cudur daaranaya kana raaligalinaya akhristeyaashiisa war khaldan oo uu daabacay 8 July 2025 kaasoo sheegayey in Alshabaab dib looga qabsaday Maqorkori.Tuulada Maqokori oo ilaa 60 km u jirta Maxaas ayaa waxa mudooyinkan dambe gacanta ku hayey Macawislayda Xawaadle ka dib markii ay ka xoreeyeen Shabaabka kuwaasoo hadana dhawaan dib u qabsaday Maxaas oo ku taala badhtamaha gobolka Hiiraan ayaa noqotay xudunta abaabulka ciidan iyo qorshaynta duulaanka lala maaganyahay Moqokori,waxaana maalmahan oo dhan kusoo qulqulayey tiro badan oo ka mid ah Macawislayda Xawaadle iyo ciidamada dawladda Somalia,waxa kale oo halkaas soo gaadhay ciidamo gurmad ah oo ka kala yimid Guray Ceel iyo Matabaan.
Dadweynaha isticmaala baraha bulshada ayaa si balaadhan uga falceliyey qabsadasha Moqokori ee Alshabaab iyadoo qaar badani ku dhaliileen madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo iyo wasiirkiisa Difaaca Fiqi inay hagradeen Macawislayda Xawaadle ee mudada dheer difaacaysay deegaanka Moqokori.
Leave a comment