Latest News

France,India Iyo Japan Oo U Midoobay Inay Sri Lanka Ka Badbaadiyaan Mixnadda Daynkii Shiinuhu Galiyey

Washington,April 25,2023(Haatufonline) -Sadexda dal ee France,India iyo Japan ayaa wada-jir ahaan uga shaqaynaya sidii dalka Sri Lanka looga badbaadin lahaa mixnadda ay ku jirto ee ay ku keeneen daymanka lagu leeyahay gaar ahaan daymanka ay ka amaahdeen Shiinaha oo ah dalka ugu badan ee Sri Lanka wax amaahiyey.

Qorshahan sadexda dal ayaa ku aadan sidii dibu habayn loogu samayn lahaa daymanka dawladaha shisheeyey ku leeyihiin Sri Lanka si looga khafiifiyo culayska maaliyadeed ee ka dhashay qaan sheegashada farahabadan. Guddi ay sadexda dal arintan u saareen ayaa waxay ugu baaqday dalalka kale ay daymanka ku leh Sri Lanka inay kusoo biiraan. Waxase dadaalkan sadex-geesoodka ah ka maqan dalka Shiinaha.

Inkastoo Shiinuhu sheegay inuu kordhin doono mudadii ay Sri Lanki ku bixinaysay lacagta ay ku leeyihiin haddana wali soomay saarin qorshe cad oo arintaasi ku saabsan.
22 dal ee ku bahoobay Paris Club ayaa iyagu 1.8 billion euro ku leh Sri Lanka. India qudhideeda ayaa ku leh lacag gaadhaysa hal milyan oo euro.
Isugayn waxa Sri Lanka lagu leeyahay 6.4 billion euro oo 10% ka mid ahi tahay dayn uu Shiinuhu ku leeyahay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*