Latest News

Doodda Somaliland ka taagan ee e-visaha iyo lacagaha adag ee dibadda looga saaro

Haatufonline,November 4,2025

Somaliland waxa maalmahanba ka taagneyd dood kulul oo la xidhiidha lacagaha xuduudaha dhaafa ee laga shakiga qabo ( suspicious cross-border financial flows) iyo qaabka lacagahaas loo wareejiyo ee ay uga baxaan Somaliland gudaheeda.Doodan ayaa waxay timid kadib markii ay xukuumadda Somalia ee Xasan Sheekh soo saartay nidaamka E-Visaha ee daka sita baasaboorada ajnabiga ah ku qasbaya inay soo qaataan ka hor intaanay usoo safrin meelaha ay maamusho.Inkastoo aanay xukuumadda Somalia maamulin Somaliland haddana waxay arintii e-visahu saamaysay qurbojoogta reer Somaliland ee dalkooda kusoo noqonaya ka dib markii ay xukuumadda Somalia ay shirkadaha diyaaradha cadaadis ku saartay in aanay soo qaadin qorbojoogta Somaliland hadii aanay qaadan e-visaha Somalia.

Laakiin xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in nidaamka v-visa ee Somalia aanu ka shaqayn doonin Somaliland,waxaanay digniin u dirtay shirkadaha diyaaradaha in aanay soo fadhisan doonin madaarada Somaliland hadii ay u hogaansami waayaan nidaamka Visa-On-Arrival ee Somaliland dabaqday kaasoo qofwalba u saamaxaya inuu dal-kugal ka qaato Egal International Airport ee Hargeysa iyo laamaha socdaalka ee xuduudaha.Waxa kale oo ay sheegtay inay u socdaan arimo sharci oo arintan lagu waajahayo.

Hadaba dadka reer Somaliland ee gudaha ku nool oo marka horeba aad uga cadhaysnaa sida e-visaha Somalia u carqaladeeyey safaradii qorbojoogtu kusoo noqonayeen dalkooda ,ayaa waxa fajac iyo amakaag ku noqotay in lacagta e-visaha lasoo mariyo oo ay xukuumadda Xasan u qabtaan qaar ka mid ah shirkadaha lacagta ka ganacsada ee ka hawlgala Somaliland,iyadoo waliba farta lagu fiiqayo faraca Premier Bank ku leeyahay Hargeysa, shirkadahaas oo la yidhi waxay marka dambe lacagtaas u wareejiyaan Muqdisho iyadoo kaash ama naqad ah. Arintan ayaa waxa kashifay aasaasihii shirkadda xawaaladaha ee WorldRemit Ismaaciil Axmad oo sheegay inuu xata maamulka Premier Bank kal hadlay si uu ugu qanciyo inay faraha kala baxaan lacagta e-visaha ee qasabka lagaga qaadayo qurbojoogta Somaliland intaanay arintu soo shaacbixin balse ay waxba ka dhagaysan waayeen.

Marka la eego aaraa’da dadku ku cabiraan baraha bulshada (social-media) iyo goobaha la isugu yimaaddo,dhinac markaad ka eegto dadka reer Somaliland way isku raacsanyihiin in xukuumaddu gaar ahaan Bakiga Dhexe ee Somaliland ay wax ka qabtaan arintan oo ay u arkaan onay gef iyo sharci darro ku tahahay dalkooda oo ay waliba soo xusuusaynayso amaradii ay xukuumadda Somalia xiligii Siyaad Barre ku xayiri jirtay dhaqdhaqaaqa iyo safarka muwaadiinta reer Somaliland iyo xasuuqii 1988 loo geystay gaar ahaan dadka kasoo jeeda beelaha Isaaqa iyadoo qurbojoogta Somaliland u badanyihiin dadkii xilagaas ka qaxay guryahoodii ama kuwii ka tafiirmay.

Dhinaca kale seh waxa la isku khilaafsanyahay sida mushkiladdan wax looga qabanayo iyadoo ra’yigu u badan in albaabado loo laabo shirkad kasta oo lacagta u qabata e-visaha Somalia,halka uu ra’yiga kaas kasoo horjeeda odhanayo in marka hore hayadhaha dawladda ee arintani khusayso ay baadhitaan sameeyaan oo shirkaddi lagu helo ee joojin wayda qabashada iyo wareejinta lacagta e-visaha ee lagu khasbo muwaadiniinta Somaliland in markaas lagala noqdo laysankooda ganacsi, lana siiyo muddo ku filan oo ay xamaamtooda dalka kaga gurtaan.

Hadaba arintani waxay soo noolaysay dood hore oo Somaliland muddo dheer ka taagnayd oo ku saabsaneyd lacagaha adag (hard currency) ee sida sharci-darada dibada uga baxa Somaliland.Shirkadaha maaliyadeed ee ka shaqeeya Somaliland ayaa waxa lagu eedeeyaa inay caadaysteen in aanay hawlahooda maaliyadeed la socodsiinin Bankiga Dhexee Somaliland, oo ay lacagahan adag si qarsoodi ah dalka uga saaraan,iyadoo inta badan lagu qaado diyaaradaha,waqtiyada qaarna gaadiidka dhulka mara.Lacagtan adag ee sifooyinka qarsoodiga ah lagaga saaro Somaliland waxa badankeeda loo wareejiya Muqdisho oo had iyo jeer ,sida khubarada arimaha maaliyaddu sheegen, ay ka jirto baahi lacagta doolarka ahi taasoo keenta inay ku dadaalaan inay doolarka yaala Somaliland wax ka heelaan. Khubaro dhaqaale oo reer Somliland ah ayaa waqtiyo kala duwan oo hore lacagtan adag ee dalka lagala baxayo ku tilmaamay inay dhiig-bax dhaqaale ku tahay Somaliland oo loo baahanyahay in dawladdu wax ka qabato.

Hasayeeshee xukuumadihii Somaliland ee kala dambeeyey ayaa arnitan ka caaga jiiday ,waxaana la ogyahay inay u badheedhi kari waayeen awoodda balaadhan ee ay leeyihiin shirkadaha ka ganacsada lacagahu. Laakiin lacagahan adag ee habkan aan waafqasanayn xata shuruucda caalamka dalka dibadda looga saarayo, ayaa waxa ka dhashay walaac ilaa hadda taagan oo laga qabo in kooxaha dambiileyaasha ah (crime groups) sida argagixisada,xuutiyiinta,budhcad badeeda iyo kuwa ka ka ganacsada hubka iyo daroogadu ay ka faaiidaystaan. Waxaana dad badani qabaan in xukuumaddu joojiso habrashada shirkadaha oo ilaaliso qawaaniinta iyo sumcadda Somaliland oo ku caanbaxday nabadda,xasiloonida iyo dimuqraadiyada isla markaana ku guulaystay in kooxaha mitidka ah dalkeeda ka ilaaliso.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*