Latest News

DP World Oo Sheegtay In Khilaafka Imaaraadka Iyo Somalia Aanu Wax Saamayn Ah Ku Yeelan Hawlahooda Dekeda Berbera Ee Somaliland.

Dubai, January 13, 2026 (Haatufonline) -Shirkadda DP World ee Dubai laga leeyahay ayaa xaqiijisay in hawlaheeda ku saabsan Dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland ay u socdaan sidii loogu talogalay. Sida ay baahisay Wakaaladda wararka Reuters. Shirkadda DP World ayaa caddaysay in ay diiradda saareyso hufnaanta hawlaheeda dekedda Berbera iyo sidii loo taabogelin lahaa horumar dhaqaale iyo fududeynta ganacsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika. Waxa kaloo shirkaddu ay sheegtay in aanay dheg u dhigaynin hadallada ka eoo yeedhay Soomaaliya.Shirkadda DP World ayaa marsadda Berbera ku maalgelisay 442 milyan oo Doolar, waxana heshiiska casriyaynta dekedda Berbera wada galay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shirkadda DP World. Taasina waxa ay qayb ka tahay cilaaqaadka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Imaaraadka Carabta.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*