Latest News

Dufcadii 12aad Ee Ka Qalinjabisay Jaamacada Admas Oo Hargeysa Loogu Fooladeeyey

Hargeysa, November 2, 2020 (Haatufonline) – Dufcadii 12aad oo ka kooban boqolaal arday ayaa ka qalinjabiyey Jaamacadda Admas ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo munaasibad balaadhan oo loogu fooladeeyey loogu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibadii Qalinjabinta Ardayda Jaamacada Admas ayaa waxa ka soo qaybalay masuuliyiin ka kala socday xukuumada, Xisbiyada Mucaaridka, Waalidiin, Arday iyo Martisharaf kale oo tiro badan.

Ardaydan Jaamacada Admas ka qalinjabisay maanta ayaa baratay culuumta kulliyadaha kala duwan ee heerka Koowaad ee Degree iyo heerka labaad ee Master, waxaana ka mid ah kulliyadaha ay Ardaydaasi ka qalinjabisay oo kala ahaa Accounting, Architecture and Urban Planning, Social Work, Economics, Human Resource (HR), ICTV, Nursing, Development Studies, Management, Public Heath iyo kulliyado kale oo ay bixiso Jaamacaddu.

Ugu horayn waxa munaasibadaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Admas Dr. MollaTsegay, kaas oo u hambalyeeyey ardayda Jaamacada Admas ka qalinjabisay iyo kulliyadaha kala duwan ee ay barteen, kana qalinjabiyeen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*