Latest News

Xulka Gobolka Hawd Oo 2 Gool Iyo 0 Ugu Awood Sheegtay Maroodi-Jeex

Hargeysa, November 2, 2020 (Haatufonline) – Ciyaar Ada goo xiise iyo xamaasad badani ay ku dheehan tahay ayaa maanta Hargeysa Stadium ku dhexmartay xulalka gobolada Hawd Vs iyo Maroodi Jeex.

Ciyaartan oo ay ka soo qaybgaleen Taageerayaal Tiro badan ayaa Xulka Gobolka Hawd waxa uu 2 gool iyo 0 kaga badiyey xulka gobolka Maroodi-jeex. Labadan Xul ayaa ka wada tirsanaa Groupka A.

Gobolka Maroodi-jeex ee maanta laga badiyey Ciyaartan ka tirsan Koobka gobolada Ciyaaraha Somaliland, ayaa Maroodi-Jeex waxa uu hore u haystay Saddex Koob oo Ciyaaraha Gobolada Ah.

Gobolka Hawd Waxa goolka 1aad u dhaliyey Ciyaaryahanka Amiin Xirsi oo lambarka 7aad u sita gobolka Haw, halka goolka 2aad uu u dhaliyey Ayaanle Good.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*