Latest News

England Oo Cashar U Dhigtay Senegal Oo Ay Kaga Badisay 3 Iyo 0

Doxa, December 4, 2022 (Haatufonline) – Ciyaar kulul oo ay caawa iskaga horyimaadeen Xulalka kubadda cagta ee England iyo Senegal ayaa xulka England waxa ay guushu ku raacday 3 gool iyo waxba ay ku caraabiyeen Senegal.
Ciyaartan ayaa ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Al Bayt Stadium oo ka mid ah garoomada uu ka socdo tartanka koobka aduunka ee dalka Qatar 2022
Laacibka xulka England ee J.Henderson ayaa goolkii koowaad u dhaliyey Ingiriisa Daqiiqadii 38aad ee ciyaarta.
Halka goolkii labaad ee ciyaarta uu ku hubsaday shabaqa Senegal ciyaaryahanka H.Kane daqiiqadii 45+3.
Halka goolkii sadexaad uu B.Saka uu kaga naxsaday Senegal daqiiqadii 57aad.
Xulka dalka Senegal oo qaarada Afrika ay quudaraynaysay inuu wareegan labaad ee 16ka uu ka gudbo balsr nasiibadro la soo daristay uu sidaasi ugaga hadhay koobka aduunka ee lagu qabtay dalka Qatar.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*