Latest News

France Oo 3 Gool Iyo 1 Ku Sagootiyey Xulka Poland

Doxa, December 4, 2022 (Haatufonline) – Xulka kubadda cagta ee Faransiiska ayaa 3 gool iyo 1 ku sagootiyey Poland kadib markii ciyaar adag oo ka mid ah wareega 16ka ay isku haleeleen xulalka labadan dal.
Ciyaartan ayaa ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Al Thumama Stadium oo uu ka socdo tartanka koobka aduunka ee dalka Qatar.
Laacibka xulka Faransiiska ee Giroud ayaa goolkii koowaad u dhaliyey faransiiska Daqiiqadii 44aad ee ciyaarta.
Halka qaybtii labaad ee ciyaarta uu goolka labaad u dhaliyey Faransiiska ciyaar yahanka K.Mpappe oo sita funaanada 10, gool 3aad ayuu Faransiisku la yimid daqiiqadii 90+1.
Xulka dalka Poland ayay u suuragashay in hal gool ay la yimaadaan wakhti daayacii ciyaarta lagu daray, kaas oo uu u dhaliyey Poland ciyaaryahanka Lewandowiski daqiiqadii 90+9, Waxaanay Poland sidaasi uga hadheen tartanka Koobka Aduunka ee ka socda dalka Qatar.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*