Latest News

Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay Oo U Codeeyey In Cunaqabataynta Hubku Sii Saarnaato Somalia

New York, November 18, 2022 (Haatufonline) – Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in cunaqabateynta hubku ay sii saarnaato Soomaaliya.

Dawlada Soomaaliya iyo Midawga Afrika ayaa si weyn u danaynayay in cunaqabateynta laga qaado si ay guulo uga gaadhaan dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Hase yeeshee Qaraarkan lagu ansixiyay cunaqabateynta hubka iney sii saarnaato Soomaaliya ayaa waxa u codeeyay 11 dal, inkastoo dalalka Ruushka, Shiinaha, Gabon iyo Ghana ay ka maqnaayeen ansixinta qaraarkan.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoibay ayaa cunaqabataynta hubka saaray Somalia 1992kii si loo joojiyo hubkii ku qulqulayey maleeshiyo beeleedada markii ay burburtay dawladii Maxamed Siyaad Barre.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*