Latest News

Farmaajo Iyo Safiirka Maraykanka Oo Oo Durtaba Carqaladeeyey Wadahadaladi U Socday Raiisalwasaare Rooble Iyo Midowga Musharaxiinta

Muqdisho February 2,2021(Haatufonline)-Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo safiirka Maraykanka u fadhiya Somalia Donald Yamamoto ayaa durtaba carqaladeeye wada-hadaladi u socday Midowga Murashaxiinta u tartamaya jagada madaxweynaha Somalia iyo sii hayaha raiisalwasaaraha Somalia M X Rooble ee fadhigoodii u dambeeyey u dambeeyey shalay ku qabsoomay magaalada Xamar

Muqdisho,March mudo -xileedkiisu 2,2021(Haatufonline)-Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaaday M A Farmaajo iyo safiirka Maraykanka u fadhiya Somalia Donald Yamamoto ayaa durtuba carqaladayn ku bilaabay wadahadaladii u socday sii-hayaha raiisalwasaaraha Somalia M.H Rooble iyo Murashixiinta jagada madaxweynaha Somalia ee blaabmay khamiistii hore iyadoo lagu gorfeeyey dhacdadi ay ciidamada dawladdu ku rasaaseeyeen mudaaharaad silmi ah oo ka dhacy Muqdisho 19 kii bishii hore iyo qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen banaanbax cusub oo ay Midowga Murashixiintu damacsanaayeen iyo waliba durufaha ku gedaaman arintii doorashada.Dhammaan arimahaas waxay labada dhinac ka gaadheen is-faham buuxa markii ay fadhi labaad ka yeesheen Isniinti shalay iyadoo ay laba guddi u kala saareen in baadhitaan lagu sameeyo dhacdadii 19kii February iyo qaabka uu u dhici doono banaanbaxa mucaaridka u qorsheysan iyo kaalinta ay ciidamada dawladdu ka qaadan doonaan ilaalinta nabadgelyada xiliga uu mudaaharaadku socodo.Waxa kale oo kulankaasi la isku waydaarsaday fikrado ku saabsan sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada kala duwan ee ku hirdamata siyaasadda Somalia iyadoo ay Mr Rooble iyo Midowga Murashixiintu dhigteen balan ah inay 4-ta bishan mar dambe kulmaan si wadahadalka loo sii wado gogol-xaadhna loogu saameeyo kulamo koodan ka sii balaadhan oo talooyin wax ku ool ahi kasoo baxaan.

Hadaba Farmaajo iyo safiirka Maraykanka Yamamoto ay carqalad aan la filayn ku abuuray waan waanti la waday ee ujeedadeedu aheyd in la isku soo dhaweeyo dhinacyada isku haya siyaasadda Somalia,waxaanay Yamamato iyo Farmaajo mid walba goonidiisa ugu baaqay shir degdeg ah oo ay iskugu yimaadaan dawlad goboleeyada iyo maamulka Farmaajo ee waqtigiisu dhamaaday si heshiis looga gaadho arimihii doorashada,shirkaas oo waliba Farmaajo uu ku beegay 4ta bishan oo aheyd maalinti ay balansanaayeen inay kulmaan Rooble iyo Midowga Murashixiintu.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*