Latest News

Xildhibaan Chris Smith Oo Somaliland Ka Dhex Ammaanay Dood Kongreska Maraykanku Ka Yeeshay Doorashooyinka Afrika Iyo Ilhaan Cumar Oo Ka Aamustay

Washington,March 2,2021(Haatufonline)-Gudida aqalka hoose ee Baarlamanka Maraykanka u qaabilsan Afrika iyo arimaha
xuquuqda aadamaha iyo caafimaadka ayaa fadhi ay shalay yeelatay ku qabatay dood iyo  xogwareysi ku saabsan doorashooyinka Afrika ,waxaanay xildhibaanadu arintaas suaalo ka weydinayeen saraakiil ka tirsan wasaaradda Kharajiga Maraykanka iyo khubaro madaxbanaan oo ku xeel dheer arimaha Afrika.
Warbixinaha la dhageystay ayaa waxa lagaga hadlay doorashooyin ka dhacay dalal badan oo Afrikaan oo fashilmay iyo saadaalin ku saabsan doorashooyinka la filayo inay sanadkan ku qabsoomaan qaaradda Afrika sida dalka Itoobiya.
Hadaba xildhibaanka laga soo doorto gobolka New Jersey Chris Smith oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga(Republican) ayaa isagu gunaanadki xogwaraysiga waxa uu sheegay in fashilka iyo niyadjabka badan ka sakow ay ididiilo wanagsani ka muuqato Somaliland oo ku guulaysatay inay qabsato doorashooyin taxane ah oo qof iyo hal cod ah oo ay ku tartamaan xisbiyo iyadoo walibay ay Somaliland tahay dal aan la aqoonsaneyn.Mr Smith waxa uu xusay in dadka reer u dareeri doonaan doorashadi baarlamanka iyo goleyaasha deegaanka 31 May waxaanu sheegay in dadka dareenkiisu ku fooggan yahay loolanka u dhaxeeya axsaabta iyo murashaxiinta oo qabyaladi ay ka nasteen.Xildhibaanku wuxu reer Somaliland ku booriyey inay sii wadaan geedi socodka dimuqraadiyada iyo ku dhaqanka hanaanka doorashooyinka xorta ee ay iyago yagleesheen..

Ugu dambeyn wuxu xukuumadda Maraykanka ku canaantay in habayaraatee aanay wax gacan ah ka geysan daboolista baahiyaha naaliyadeed ee doorashada Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*