Latest News

Farmaajo Oo Ciidankii Turkiga Dhawaan Kasoo Noqday U Daabulay Gedo Dhalinyaro Reerkooda Ahna Turkiga U Diraya

Doolo,March 20,2021 (Haatufonline)-Madax weynaha mudo-xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo ayaa ciidankii todobaadkii hore kasoo noqday Turkiga u daabulay gobolka Gedo ee beeshiisu degto.Ciidankan iyo saanad milateri oo lasocotayba ayaa shalay iyo maantaba laga qaaday madaarka Muqdisho waxaana laga dajiyey gobolka Gedo ee ka tirsan Jubaland gaar ahaan degmada Doolo iyadoo maamulka Jubaland in badan ka cabanayey ciidanka dawladda dhexe ee Farmaajo dajiyey deegaankaas hoos yimaadda maamul goboleedka Jubaland.
Hadaba diyaaraddi ciidanka u qaadday Gedo ayaa soo noqodkii waxa soo raacay dhalinyaro farabadan oo kasoo jeeda beesha Farmaajo oo la sheegay in tababar ciidan oo Turkiga ah loo qaadayo(eeg sawirka).Sida la ogsoonyahay ciidamada Turkiga lagu soo tababaro aya intooda badan laga qoraa beesha Farmaajo iyo reerka dhalay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*