Latest News

Farmaajo Oo Xalane Soo Dhoobay Ciidan Mareexaan U Badan Kuwaasoo Hadda Ku Xeeran Goobihii Ay Deganaayeen Deni Iyo Madoobe

Muqdisho,March 21,2021(Haatufonline)-Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo sh taliyaha Booliska Somalia ayaa xalay madaarka Muqdisho soo dajiyey ciidan u daacad ah madaxweybaha mudadiisu dhamaatay Maxd Cabdilaahi Farmaajo waxaana ciidankaasii oo badankoodu kasoo jeedaan beesha Farmaajo ay hadda ku xeeran yihiin labada meelood ee ay kala daggan yihiin madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland.
Warar aan la xaqiijin wali ayaa tibaaxaya in Fatmaajo iyo Xijaar damacsanyihiin inay dagaal ka dhex ridaan ilaalada gaarka ah ee labadaas hogaamiye iyo ciidanka lasoo hareero dajiyey si waxyeelo usoo gaadho labadaasba.
Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili loo balansanyahay inuu beri Xalane ka furmo wadaxaajoodkii lagu furdaamin lahaa khilaafka ka taagan doorashada.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*