Latest News

Farmaajo Oo Ku Guulaysan Doona Codka Aqlibiyadda Xildhibaanada Baarlamanka Cusub Ee Somalia Oo Ay Ku Jiraan 45 Ka Mid Ah Calooshood Ushaqeysteyaal Kasoo Jeeda Somaliland Oo Uu Isagu Soo Magacaabayo

Muqdisho,November 6,2020(Haatufonline)-Madaxweynaha VillaSomalia Farmaajo ayaa u muuqda inuu dhamaystiray qorshihii uu ku guulaysan lahaa doorashada dadban ee lagu soo xuli doona madaxweynaha dalka Somalia bisha February 2021.Doorashadan oo ay dalka Somalia usoo qaban qaabiyaan Qarmada Midoobay iyo Ciidamada Amisom ayaa wajigeeda hore waxa lau soo xuliya xubnaha labada aqal baarlaman iyadoo lagu salaynayo saami qaybsi beeleed la yidhaahdo 4.5 .

Wajiga labaad ee doorashadan ayaa waxay xubnaha baarlamanku ku dooran doonaan madaxweyne waxaana murashaxiinta jagadaas isu soo taagaya madaxweynaha hadda xilka haya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.Hadaba waxa durtaba la xaqiijiyey in Farmaajo heli doono codadka xildhibaanada ka imanaya maamul goboleedyada Hirshabeele,Galmudug,Koonfuur Galbeed iyo 45 calooshi-u-shaqayste kasoo jeeda Somaliland oo uu isagu soo magacaabayo.Waxa kale oo intaas u dheer codka xildhibaanada matalaya beelaha yar yar oo tiradooda lagu qiyaaso 35 xildhibaan iyo waliba wixii uu ka fadhataysan karo xildhibaanada ka imanaya Puntland iyo Jubaland.

Madaxa Sirdoonka VillaSomalia Fahad Yasiin ayaa juhdi farabadan galiyey in Hirshabeele,Galmudug iyo Koonfur Galbeed soo magacaaban xildhibaan la hubo inay u codayn doonaan Farmaajo waxaanu arintaas ku bixiyey kharash farabadan oo ay dawladda Qadar bixisay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*