Latest News

Raysal Wasaaraha Ethiopia Oo Sheegay In Duqayn Dhinaca Cirka Ah Ay Ka Gaysteen Gobolka Tigray

Addis Ababa, November 6, 2020 (Haatufonline) – Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa sheegay in ciidamada Cirka Ethiopia ay duqeeyeen goobo ay yaaleen qalab milatari oo ku yaala gobolka Waqooyiga Ethiopia ee Tigrayga, Jimcihii maanta.

Duqayntan cirka ayaa ka dhacday meelo iyo xarumo u dhaw caasimada Gobolkaasi ee Mekelle, halkaas oo lagu burburiyey madaafiic iyo gantaalo culculus sida uu sheegay Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed oo maanta warbaahinta la hadlay.

Hase yeeshee, dhawaaqan ka soo yeedhay Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia ayaa la filayaa inuu sii cakiro isku dhacan oo khabiiro farabadan ay saadaalinayaan in dalkan Awooda leh ee ka mid ah wadamada ugu dadka badan Qaarada Afrika inuu ka bilaabmo dagaal sokeeye.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*