Latest News

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Guddida Joogtada Ee Golaha Guurtida

Hargeysa, December 4, 2022 (Haatufonline) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa kulan la qaatay Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland.

Waxaanu Wasiirku war bixin ka siiyey Guddida Joogtada ah ee Golaha xaalada guud ee nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo Wasiirku u sheegay xubnaha Guddida Golaha Guurtida in dalka uu yahay amni, taasoo ku timi Eebe ka sokow Dedaalka Xukuumadda iyo isku duubnida shacabka Somaliland oo ah bulsho fahamsan muhiimada ay nabadgelyadu u leedahay Qaranimadooda iyo jiritaanka dalkoodu.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Guddida ugu waramay sida ay Ciidamada Booliska Somaliland ula dagaalamaan Mukhaadaraadka iyo fal-denbeeyada kale, iyagoo ka hortaga falalka ka soo horjeeda nabadgelyada iyo anshaxa wanaagsan.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Ciidan Boolisku ay way door wayn ka qaataan marka ay timaado Arimaha Doorashooyinka, taasoo ay qayb ka tahay Wasaaradda Arimaha Gudaha, iyadoo ay si nabadgelyo ah ay ku soo dhamaatay hawshii madax taabashada Ururada, taasoo ay si wayn uga qaybqaateen Ciidan Booliska Somaliland, kuna soo dhamaatay nabadgelyo.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka jawaabay dhammaan su’aalihii ay weydiiyeen Xildhibaanada Golaha Guurtidu, iyadoo Wasiirku siiyey Golaha war bixin dhamaystiran oo dhinac walba taabanaysa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*