Latest News

Maxay Garaadadu Maanta Uga Carareen Laascaanood

Laascaanood,April 25,2023(Haatufonline)- Garaadadii dagaal oogeyaasha ahaa ayaa maanta ka caymaday magaaladii Laascaanood,waxaana war ugu dambaysay iyagoo Kalabaydh sii cararaya.

Sida aan xog ku ogaanay Garaadada ayaa lafahooda u baqay kadib markii u ciidanka Somaliland gubay goobo Laaska gudaheeda ah oo madaafiic lagaga soo riday maanta. Maleeshiyada qabaaiilka Daarood iyo xubnaha Alshabaab ee ka dagaalama Laascaanood ayaa subaxnimadii maanta madaafiic ku weeraray ciidank qaranka ee Somaliland ee ku sugan Goojacadde kaasoo dhawr madfac kaga jawaabay. Hadaba dhamaan xabadihii jawaabta ahaa ee ciidanka Somaliland riday ayaa si qumaati ah ugu dhacay yoolashii laga soo garaacay waxaana taas ka dhashay khasaare 29 dhimasho ah iyo kontomeeyo dhaawac ah oo soo gaadhay isbahaysigii maleeshiyada iyo Alshabaab. Waxa kale oo ciidanka huwanta laga gubay 4 gaadhi oo tekniko ah.

Hadaba garaadaii oo ka fajacay sida saxda ah ee ciidanka Somaliland u sugay yoolashii wax lagaga soo riday ee u madaafiicdii ula helay khasaarahana u gaadhsiiyey huwantii,ayaa waxay go’aan ku gaadheen inay deg deg uga baxaan magaalada.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*