Latest News

Xasan Sheekh Dagaalka Alshabaab Wuxuu Ka Jecelyahay Safaro Dibadeed Oo Maalaayacni Ah

Muqdisho,November 17,2022(Haatufonline)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa markii uu xilka qabtay bishii May ku dhawaaqay inuu dagaal dhab ah ku qaadi doono ururka argagixisada ah ee Alshabaab oo uu dalkiisa ka xorayn doono. Hasa yeeshee halkii laga sugayey inuu ku dhaqaaqo talaabooyin wax ku ool ah oo uu kaga dhabaynayo balanqaadkiisaa,madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ku celceliyey uun hadalo kulul oo uu ugu hanjabayo Alshabaab kuna sheegayo inuu dagaal la gali doono isla markaana wuxu bilaabay safaro aan kala go’ lahayn oo uu dibada ugu baxayo.

Waxa seh doorashadii Xasan Sheekh bil kadib gobolka Hiraan ka bilaabmay kacdoon dadweyne oo hubaysan oo dagaal kala horyimid ciidamadii Alshaabaab ee ku sugnaa gobolka. Kacdoonkan waxa ka abuurmay maleeshiyo beeleed uu iska dhex abaabulay qabiilka Xawaadluhu. Ciidan deegaankan oo la magac baxay Macawislay ayaa markiiba deegaano dhawr ah ka xoreeyey joogitaankii Shabaabka. Inkastoo dawladda dhexe ee fadhigeedu yahay Xamar aanay wax lug ah ku lahayn kacdoonkaasi hadana Xasan Sheekh ayaa si xirfadi ku dheehantahay isu daad raaciyey si loo moodo in maamulkiisu ka dambeeyey kacdoonkaasi.
Markii uu xoogaystay dagaalkii Hiiraan ee ay Macawislaydu Alshabaab ka sareen deegaano muhiim ah oy mudo dheer ka talinayeen sida Buulo Berde iyo nawaaxideeda, argagixisadu waxay bishi September soo qaadeen weeraro waawayn oo rogaal-celin ah ooy ku lamaanan yihiin hawlgalo is-qarxin ahi. Inkastoo ay jireen ciidamo dawladeed oo Xamar laga soo diray si ay u taakuleeyaan Macawislayda hadana kumay filayn inay daboolaan baahida jirtay oo waa la iska garan karaa awoodda u yeelan karo ciidan diyaarad lagu soo daabulay. Gurmadka dhabta ah ee waxtarka yeelan lahaa wuxu ahaa in Xasan Sheekh dhexda u xidho sidii Macawislay looga abaabuli lahaa gobolada kale ee dalka gaar ahaan goobolka Shabeellada Dhexe ee beeshiisu degto ee jaarka la ah Hiiraan oo uu shakhsiyan isagu kusoo dhawaado faroomaha dagaalka. Laakiin Xasan Sheekh halkii uu ka muujin lahaa kaalin hogaamineed waxa uu waqtigiisa intiisii badanayd ku lumiyey safaro dibadeed oo badankoodu wax macno ah oo ay ku fadhiyaan jirin taasoo keentay in culayskii dagaalka Alshabaab ku dhaco Macawislayda Hiiraan,waxaana ilaa hadda muuqata in Xasan Sheekh aanu u dhaqmayn sidii hogaamiye uu dalkiisu dagaal ku jiro oo la-dagaalanka Alshabaab afka baarkiisa yahay balse uu ka jecelyahay inuu gaalo baxo socdaalo dibadda uu ku tago ama uu magaalada Muqdisho isku mashquuliyo arimo aan waxtar u lahayn dagaalkii markii uu xukunka qabtay uu ku dawaaqay inuu la gali doono kooxda Alshabaab.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*