Latest News

Guddida Heer Qaran Ee Xuska 18-ka May Oo Shacabka Ugu Baaqay Inay Si Weyn U Muujiyaan 33-Guurada Madax-banaanida Somaliland

Hargeysa, May 7, 2024 (Haatufonline) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed isla markaana ah Guddoomiyaha guddida heer qaran ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u xil saaray qaban qaabada xuskan Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in maalinta 18-ka May ay tahay maalin la wada leeyahay oo cid gaar ahi aanay sheegan karin waxaanu yidhi ‘’Waxa rasmi ah oo dhab ah qaran kasta oo jiraa taariikh nololeed uu ku debaal dego ayuu leeyahay, markaa 18-May waxay tahay marka laga yimaado xorriyadii aynu qaadanay 26-kii June 1960-kii waa maalinta u astaysan dib ula soo noqoshadda madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah in qaranku qof yar iyo qof weynba u debaal dego, waana inaynu maanka ku hayno in Maalintani tahay maalin qaran oo la wada leeyahay sidoo kale waxaan dhallinyarada ku boorinayaa inay bartaan taariikhda dalkooda.”

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa ugu baaqay guud ahaan ummadda Somaliland dal iyo dibadba inay munaasibadan ugu diyaar garoobaan wada jir iyo isku duubni isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi ‘’Maalintaas qarannimada waxaa innagu wada waajib ah inaynu u debaal degno, waxaa kaloo innagu waajib ah inaynu nabadgalyadeenna ilaalino oo qof kastaa uu noqdo boolis ilaalinaya nabadgelyada, afka guddidan anigoo ku hadlaya waxaan shacabka Somaliland, qurbe jooga iyo qol-qol joogtaba ugu baaqayaa in munaasibada 18-May 2024 ay si mudakarnimo leh ku xusaan.”

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta ahna afhayeenka Xukuumadda Somaliland, Mudane Cali Xasan Maxamed ‘’Cali Mareexaan’’, ayaa tilmaamay baahida loo qabo in wada jir lagu muuneeyo xuska 33 guurada ka soo wareegtay markii ay Jamhuuriyadda Somaliland dib ula soo noqotay madax bannaanideeda 18-kii May 1991-kii isagoo arrintaas ka hadlayay waxa uu yidhi ‘’Ujeeddada kulankan aan isugu nimid wuxuu la xidhiidhaa xuska munaasibada weyn ee 18-ka May oo ay maanta ka hadhsan tahay toban maalmood in loo diyaar garoobo, oo sida ugu weyn ee ugu wacan ay dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga qayb qaataan, Tobanka cisho ee xuskan inaga xiga waxaynu u baahan nahay in diyaar garow xoogan oo aynu cuddudeenna ku muujinayno aynu samayno, isla markaana aan loo kala hadhin ilaa maalinta ay Munaasibadu dhacayso, Sidaa darteed waxay farriintayadu tahay annagoo isu dhan in aynu Sannadkan ka dhigno munaasibadii ugu ballaadhnayd ee 18 May, qofka Somaliland jecelina uu qalbiga ka farxo, ka Somaliland necebina uu qalbiga ka naxo.”

Wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay in da’dii dhalatay wixii ka dambeeyay 1991-kii aanay xog ka haysan burburkii uu taliskii Siyaad barre u gaystay Caasimadda Hargaysa. ‘’Sidaad la socotaan 33 Guuro ayaynu maanta maraynaa, muddadaas waxaynu qaran ahaan samaynay wax weyn, dhallinyarada ayaa ugu badan dalka gaar ahaan intii dhalatay 1991-kii wixii ka dambeeyay, maalin dhawayd mikirifoon ayaa suuqa lala marayay waxaa dhallinyarada la weydiinayay ma soo gaadheen Hargaysa oo dunsan, 70% waxay yidhaahdeen maya, waxaa kale oo ay yidhaahdeen waxaanu soo gaadhnay Hargaysa oo dhisan oo qurux badan oo dhallaalaysa, markaa saw wax ilaahay loogu mahadnaqo ma aha, halka ay dadka waaweyni soo gaadheen iyadoo aad odhanayso ma yoomul-qiyaamihii ayaa dhacay oo guri, masaajid iyo geedba taagnayn oo la baa’biiyey, sidaa awgeed wax baynu dhisanay, wanaag ayaa inoo qabsoomay, waxa inoo hadhayna midnimo, wada jir iyo horumar ayaynu ku higsan doonaa,’’ ayuu Wasiirku yidhi.

Wasiir Cali Mareexaan ayaa shacabka Somaliland, dawladda iyo Xisbiyada qaranka ugu baaqay inay beeniyaan riyada uu maamulka Muqdisho isku maaweeliyo ee ah inuu soo afjarayo qaddiyadda Somaliland waxaanu yidhi ‘’Maalin dhawayd waxaa hadlay Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya wuxuu yidhi waxaan beeninaynaa oo soo afjaraynaa beentii 33 sannadood ay reer Somaliland isku akhrinayeen, innaguna waxaynu beeninaynaa beentaas ay Somalia tidhi waxaan soo afjaraynaa Somaliland, waxaana taas beenin kara shacabka Jamhuuriyadda Somaliland oo isu dhan dawlad, xisbiyo iyo ummadba, hadaba anigoo ah Mas’uulkii Saxaafada Somaliland waxaan ku boorinayaa warbaahinta inay doorkooda qaataan’’.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka waxbarashada Dr. Axmed Aadan Buuxane iyo Maayarka Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge oo ka hadlay qiimaha xuskan, waxayna ku baaqeen in si miisaan leh loogu muujiyo rabitaanka shacabka.
Xigasho:Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA)

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*