Latest News

Wasiir Ciise Kayd Oo Sheegay Inay Turkiga Ku Wargaliyeen Inaanay Iman Karin Xeebaha Somaliland

Hargeysa, May 6, 2024 (Haatufonline) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud ayaa sheegay inay dawlada Turkiga ay ku wargeliyeen inaanay iman karin xeebaha Somaliland.
Dr Ciise Kayd ayaa intaasi ku daray in Turkigu uu ogyahay in Somaliland xeebaheeda ka taliso.
Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland ayaa sidaasi ku sheegay warraysi uu siiyay BBC Somali.
“Turkiga waan u sheegnay in aanay xeebaha Somaliland soo gali karin, waana ogyahay in Somaliland xeebaheeda u taliso – Soomaaliyana ayna u talin. Wax haba yaraatee aanu warwar ka qabnana ma jiro,” ayuu yidhi wasiirka isaga oo aan waxka weydiinnay sida uu u arko heshiiska difaaca ee ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale Wasiir Kayd ayaa sheegay in uu meel gabagabo ah marayo hirgelinta iyo dhamaystirka is-af-garadkii ay la galeen dalka Ethiopia oo lagaga kiraynayo saldhig dhinaca badda ah

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*