Latest News

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Oo Sheegay Inay Go’aansadeen Faysal Cali Waraabe Aanu Mar Danbe Isu Soo Sharraxi Doonin Doorashada

Hargeysa, May 31, 2020 (Haatuf) – Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland, Md. Baashe Maxamed Faarax, oo maanta Saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in sababta uu Faysal u eedeeyay Isaga ay salka ku hayso oo tahay inay isku hayaan Faysal Cali Waraabe Dhaqaalihii xisbiyadu qaadan jireen oo Golaha wakiilladu ka yareeyeen xisbigiisa.

Baashe Maxamed Faarax ayaa xusay in Miisaaniyadda danbe xisbiyadu ku qaadaan doonaan Cabbirka codadkii ay ka heleen Doorashadii madaxtinimo ee dalka ka dhacday.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa sidoo kale sheegay inay go’aansadeen in aan guddoomiye Faysal, mar danbe isu soo sharraxayn doorashada madaxtooyada taas oo macnaheedu yahay in ay soo saarayaan xeer cusub oo ka mumnuucaya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*