Latest News

Shirweynaha Xisbiga KULMIYE Oo Mar Kale Dib Loo Dhigay

Hargeysa, May 31, 2020 (Haatuf) – Xisbiga Muxaafidka ee KULMIYE ayaa Maanta ku dhawaaqay in dib loo dhigay Shirweynaha Xisbigaasi, sababo la xidhiidha Xanuunka Covid_19 oo Somaliland iyo dunida kaleba aad ugu faafaya.

Sidaana waxa ku dhawaaqay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere oo Maanta Saxaafadda la hadlay.

Guddoomiyaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Waxa noo muddaysnaa bisha June Horraanteeda shirweynihii 4-aad ee Xisbiga KULMIYE inaanu qabano.”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay “Sidaad la socotaan waxa dhacay Xanuun Adduunyada oo dhan saameeyay, Dadka Shirkaa ka soo qayb-galayaa waa kun iyo dheeraad, sidaasi darteed waxaanu go’aansanay inta aynu Xanuunkaa la dagaalamayno ee uu inna dhaafayo Shirkii inaanu dib u dhigno..”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*