Latest News

Hoggaan Dhaqameedka Iyo Waxgaradka Hiiraan Oo Wacad Ku Maray Inay Gobolkooda Ka Sifeeyaan Shabaabka

Beledwayn,September 5,2022 (Haatufonline)-Hogaan dhaqameeka iyo waxgaradka shacbiga ku nool gobolka Hiiraan oo kulan balaadhan isugu yimid ayaa wacad ku maray inay deegaanadooda ka sifeeyaan argagixisada Alshabaab iyadoo meelo kala duwan oo ka mid ah gobolka Hiiraan ay 24 kii saacadood ee u dambeeyey ay ka qarxeen dagaalo u dhaxeeya maleeshiyada Macawislayda ee deegaanka iyo ciidamada Alshabaab. Maleeshiyaadka kooxda Macawisleydu waxay cagta mariyeen saldhigyo ay Shabaabku ku lahaayeen deegaanka Geed-weyne ee hoostaga degmada Jalalaqsi halkaas oo ay sheegeen inay ku dileen 15 ka mid ah xubnaha Alshabaabka.Waxa kale oo dgaal culusi uu Macawislayda iyo Shabaabka ku dhexmaray deegaanka Ceeleey kaasoo qiyaas ahaan 19 KM dhanka bari ka xiga Maxaas.Waxa kale oo haatan deegaano dhawr ah oo hoostaga Maxaas ka socda abaabul iyo diyaar garow colaadeed.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*