Horjoogeyaal ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay Baay iyo Bakool
Haatufonline,November 9,2025
Horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay howgalo ay qaadeen ciidamada dawladda Somalia todabaadkan oo ay ka fuliyeen gobolada Baay iyo Bakool.
War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia ayaa lagu sheegay howlgalkii u dambeeyey oo xalay ka dhacay tuulada Abal oo qiyaastii 21 KM u jirta degmada Xudur in lagu dilay horjooge sare oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Maxamed Nuur oo loo yaqiinay (Goofoow).Siday shegeen saraakiisha ciidankau,Goofoow ayaa ku magacwnaa Amiirka uulada Abal, ahaana maskaxdii ka dambeysay weerarradii argagixisada ee muddooyinkan dambe ka dhacay gobolka Bakool iyadoo intii uu howlgalkan cusubi socday, ay ciidanku gacanta ku dhigeen hub iyo dukumeentiyo muujinaya qorshayaal lagu maleegayay falal amni-darro ah.
Dhinaca gobolka Baay ciidamada dawladda ayaa isla xalay howlgal ka fuliyay tuulada Waro Mintaaniya oo qiyaas ahaan 14 KM Koonfur bari kaga beegan deegaanka Burjeed ee gobolka Baay.Howlgalka ka dhacay deegaanka Barujeed ayaa lagu dilay laba xubnood oo la tilmaamay inay kooxda u qaabilsanayeen dhanka abaabulka weerarada argagixisada, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay Yaxye (Abuu Khaalid), iyo Shariif (Amiir).
Leave a comment