Latest News

Huwanta Argagixisada Garabsanaya Oo Weerar Fulaynimo Ah Ku Soo Qaaday Fadhiisimada Ciidanka Qaranka

Hargeysa, March 6, 2023 (Haatufonline) – Kooxaha huwanta ah ee sugan Magaalada Laascaanood ee ka kooban argagixiso, Nabad-diid iyo Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 06/03/2023 weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan agagaarka Magaalada Laascaanood, weerarkaa oo ah mid fulaynimo ah, mana jirto wax dhibaato ah oo soo gaadhay Ciidamada Qaranka.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka jawaabeen weerarka ay soo qaadeen kooxaha isgarabsanayaa isdifaacid iyo iska caabin.

Xukuumadda Jamhuuriyadda waxay cadaynaysaa in weerarkan saaka ay soo qaadeen kooxaha huwantu ay ujeedadiisu tahay in la hor istaago ama la carqaladeeyo deddaalada lagu xoojinayo nabaddaynta Magaalada Laascaanood. Talaabadan oo muujinaysa sida kooxaha argagixisada ah iyo Maamulka Puntland aanay u ogolayn in shacabka Magaalada Laascaanood nabad helaan.

Cabdilaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*