Latest News

Xisbiga Waddani Oo Cambaareeyey Duulaanka Maamul Goboleedka Puntland Uu Ku Soo Qaaday Gobolka Sool/Somaliland

Hargeysa, () – Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo goor dhaweyd la hadlay warbaahinta ayaa si kulul u cambaareeyay duulaanka iyo faragalinta Maamul goboleedka Somalia ee Puntland uu ku soo Qaaday gobolka Sool ee Jamhuuriyada Somaliland.
Musharax Ciro ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xisbiga Waddani uu ciidanka Qaranka JSL uu ku barbar taagan yahay difaaca Qaranimada Somaliland iyo cadow kasta oo dibada kaga yimaada.
“Xisbiga WADDANi waxa uu cambaaraynaya farogelinta maamul goboleedka Puntland ee duullaanka gobolka Sool, waxaan ciidanka Qaranka ku barbar taaggan nahay sida ay isaga difaaceen wixii dibadda kaga yimaadda.
Dagaalka Laacsaanood waa dagaal sokeeye, dhimashada, dhaawaca iyo barakacu maaha wax la aqbali karo waa in la joojiyo, Laascaanood waxay noola mid tahay Hargeysa, Boorama iyo magaalooyinka kale.
Xisbiga WADDANI xal uma arko xabad in lagu wajaho arrinta Laascaanood..”
Musharrax Cabdiraxmaan Cirro

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*