Latest News

Xasan Jabal Sarkaal Ka Tirsan Alshabaab Iyo Ilaaladiisii Oo Iska Dhiibay Baxdo

Baxdo,Galguduud,March 6,2023(Haatufonline)-Xasan Warsame Cabdiraxmaan oo ku magac dheer Jabal kana mid ahaa horjoogeyaasha kooxda Alshabaab ee gobolka Galguduud ayaa saaka isku dhiibay ciidamada dawladda Somalia ee ku sugan deegaanka Baxdo. Sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Baxdo Maxamed Cabdulaahi waxa horjoogaha isa soo dhiibay la socday laba nin oo ilaaliyeyaashiisii ah.

Sida uu ku waramay gudoomiyaha Baxdo,horjooge Xasan Jabal ayaa ka mid ahaa xubnaha muhiimka u ahaa Alshabaabka ka dagaalamaya bariga Galguduud iyada oo la soo warinayo in tirada xubnaha kooxda Alshabaab ee baryahan dambe iska dhiibaya gobolka Galmudug ay kordhayso maa daama ay ciidamada dawladdu meelo badan ku go’doomiyeen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*