Latest News

Ingiriiska oo wiil Soomaali ah maxkamad ku saaray hawlo la xidhiidha argagixisnimo.

Haatufonline,February 16,2026

Maxamad Faarax Maxamuud oo ah will Soomaali ah ayaa Jimcihii la horkeenay maxkamad ku taala London ee dalka Ingiriiska ka dib markii lagu soo eedeeyey inuu ficil ahaan isu diyaarinayey hawlo la xidhiidha argagixisnimo.

Dacwad-oogeyaashu waxay maxkamadda ka hor sheegeen in eedaysanuha oo ku noola magaalada Bristol uu u safray Somalia mudadii u dhaxaysay 29 January ilaa 4 March ee 2025 isla markaana uu tagay deegaan la ogyahay in xagjirku ay ku xoogganyihiin iyo in qaradka eedaysanuhu halkaas u tagay ahaa inuu gacan siiyo dagaalyahanada ISIS (Daacish) ee goobtaasi ku sugnaa.

Dacwaddan waxa ay xeer-ilaalintu ku salaynaysaa Xeerka La-dagaallanka Argagixisada ee Boqortooyada Ingiriiska (2006), iyadoo qodobka eedda u-diyaargarwga falal argagixisnimo(preparing for terrorist acts) ee loo cuskaday uu dhigayo ciqaab gaadhaysa ilaa xabsi daa’in.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*