Latest News

Israel Oo Burburisay Diyaaradii U Dambaysay Ee Yemania Airlines Lahayd

Haatufonline,May 28,2025

Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa maanta madaarka Sanca ku burburiyey diyaaradii u dambaysay ee ay lahayd shirkadda diyaaradaha ee Yemenia .
Israel ayaa duqayn caynkan oo kale ah laba todobaad ka hor ku gubtay sadex diyaaradood oo ay lahayd Yemenia iyadoo ay diyaaradda maanta la burburiyey xiligaa ku maqnayd caasimadda dalka Urdun ee Cammaan.
Diyaaradda la burburiyey maanta oo ahayd tii u dambaysay ee Yemenia lahayd ayaa waxa weerarku cuskuday 30 daqiiqadood kadib markii ay madaarka Sanca kasoo degtay iyadoo kasoo duushay Cammaan.

Sidii aanu hore u saadaalinay ,Israel ayaan marnaba ogolaanayn inay dib u shaqeeyaan dekadaha iyo madaarada ay Xuutiyiintu gacanta ku hayaan ee dalja Yaman waxaana la filaya inay la beegsadaan weeraro joogto ah si aanu uga soo dagin hub ay Xuutiyiinta adeegsadaan sida gantaalaha ridada aad u dheer ballistic missiles iyo diyaaradaha daroonka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*