Latest News

Itoobiya Oo Badeecadaha Ay La Soo Degto 30% U Weecinaysa Dekeda Berbera

Berbera, May 3, 2024 (Haatufonline) – Dalka Itoobiya ayaa 30% badeecada ay lasoo degto iyo kuwa ay dhoofinayo u weecinaysa Dekedda Caalamiga ah Berbera Somaliland, sida uu sheegay Maareeyaha guud ee Dekeddaha Jamhuuriyadda Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi.
Talaabadan, ayaa kamid ahayd Heshiiskii isfaham ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya ee ku saabsana isticmaalka Dekedaha JSL.
Dalka Itoobiya oo aan lahayn wax Bad ah, ayaa deris la ah Somaliland.

Itoobiya ayaa Badeecadaheeda inta badan kala soo degta ama ka dhoofisa dalka Jabuuti, waxanay hadda qorshaynaysaa inay 30% kala soo degto Dekedda Berbera, oo markii hore kala soo degi jirtay waxka yar 10%.
Dalkan Itoobiya oo ah wadanka labaad ee ugu dadka badan Wadamada Africa ayaan ku tiirsanaan doonin Deked keliya, balse isticmaali doontaa Dekeddo badan oo gobolka ku yaala.
Si kastaba ha ahaatee, dalka Itoobiya ayaa cabasho ka muujiyay hadallo mudooyinkii u dambeeyey kasoo yeedhayay dalka Jabuuti, kuwasoo ku saabsanaa heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*