Latest News

Wareerka Kasoo Kordhay Xuuthiga Oo Weeraradoodii Gaadhsiiyey Badwaynta India

Haatufonline,May 2,2024

Kooxda Iran taageerto ee Xuuthiyiinta Yaman ayaa balaadhiyey weeraradii ay la beegsan jireen maraakiibta isticmaasha Badda Cas waxaanay hadda gaadhsiiyeen Badwaynta India halkaas oo ay dhawaan weeraro cirka ah ka fuliyeen.
Siday xaqiijiyeen ururada dabagalka ku sameeya nabadgelyada marinada badaha,Xuuthiyiinta ayaa habeenimadii 26kii April Diyaarad Drone ah ku weeraray markabka magaciisa la yidhaa MSC Orion xili uu ku sugnaa meel qiyaas ahaan Geeska Afrika kaga beegan koonfur bari oo 740 km u jirta.
Xuuthiyiinta ayaa bishii March ku hanjabay inay dagaalkooda gaadhsiin doonaan maraakiibta u kala gooshta Aasiya iyo Yurub ee ka wareegta Koonfurta Afrika.
Xuuthiyiintu waxay weerkii markabka Orion u adeegsadeen diyaarad Drone ah oo magaceeda la yidhaa Shehab taasoo lagu sameeyo dalka Iran isla markaana masaafadda ay gaadhi karto lagu qiyaasay 1,600 km.

Hadaba weeraradan ay Xuuthiyiintu ka bilaabeen Badda Cas ee waqti xaadirkanna ay soo gaadhsiiyeen ilaa Badwayntii India ayaa waxay haatan khatar galinaysaa amaanka marin badeed halbowle ah oo aad u balaadhan oo loo adeegsan jiray isku socodka maraakiibta caalamka iskaga kala gooshta ee daabuli jirtay qayb weyn oo ka mid ah ganacsigii dunida u kala socday.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*