Latest News

Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Deggan Somalia Oo Jawaab Dhaliilo Xambaarsan Ku Ganay Xasan Sheekh

Muqdisho,May 2023(Haatufonline)- Jaaliyadda reer Somaliland ee deggan dalka Somalia ayaa ka jawaabtay hadalo xalay kasoo yeedhay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ku saabsanaa labada gobol ee Sool iyo Sanaag ee Somaliland,hadaladaas oo ay jaaliyaddu aad u dhibsatay una aragtay qaar gaf ku ah dadka ku nool Sool iyo Sanaag iyo xaqiiqada xaaladda dhabta ah ee ka jirta labadaas gobol.
Hadaba odeyaasha iyo wax-garadka Jaaliyadda ayaa arintan maanta kasoo saaray warsaxaafadeed u dhignaa sidan :

“Annagoo ah Salaadiinta dhaqanka ee Beelaha Somaliland ee deggan Soomaaliya waxaanu dhegaysanay su’aal Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud lagu weydiiyey kulankii dadweynaha ee xalay oo la xadhiidhay 1) ergayga uu u magacaabay arrimaha Somaliland iyo 2) dagaalka Laascaanood.

Ugu horeyn waxaanu ka xunnahay qaabka uu Madaxweynuhu u dhigay jawaabta su’aasha oo ay ka muuqatay:-
•In Madaxweynaha ay sameeyn ku yeesheen hadalada propagandada ah ee lagu faafiyo baraha bulshada iyo hadalada ay ku hadlaan dadka dagaal oogayaasha ah ama qabyaaladu madax- martay ee ay ka mid yihiin dagaalka Laascaanood waa mid midnimo doon ah iyo waxaa jira wax la dhaho Sool, Sanaag iyo Cayn.
• In Madaxweynuhu colaadda ku kooban Magaalada Laascaanood gaadhsiiyey degaano aanay colaadi ka jirin oo uu isku qaaday gobolada Sool iyo Sanaag oo aanay 80% degin, colaadna ka oogi karin dadka hurinaya colaada Laascaanood.
•Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku daray in aan dadka Sool iyo Sanaag lagu qasbidoonin waxayna rabin, hadalkaas oo aan meesha qaban laba sababood awgood:
a) Marka u horeysa Madaxweynaha uma soo caban 90% dadka dega Sool iyo Sanaag, oo waxay ku nool yihiin nabad, maamul ahaan iyo talo ahaana waxay ka tirsan yihiin Somaliland.
b) Mida labaad, waxaanu Madaxweynaha weydiinaynaa hadii colaad huriyayaasha
Laascaanood la qasbi karin in ay nabad kula noolaadaan dadkooda iyo deriskooda, maxaa shacabka Somaliland oo cod bixin laga qaaday 97% go’aansaday in ay Soomaaliya ka go’aan, maxaa loogu qasbayaa Midnimada Somaliya?.

Madaxweynaha waxaanu ka codsanaynaa in dadka reer Somaliland ka raaligeliyo hadaladaas xaqiiqda ka fog oo Soomaalinimda ka sii fogeyn kara dad aad uga badan kuwa oogaya colaadda Laascaanood.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo ummadda Soomaaliyeed ee samaha jecelba waxaanu la socodsiinaynaa in colaadda Laascaanood aanay ku bilaaban una taagnayn midnimada Soomaaliyeed ee ay tahay mu’aamarad siyaasadeed oo qabiilaysan oo lagu doonayo in lagu qaato degaamo aanay degin qabiil-ka dagaalka oogaya, dadka mu’amaradaas soo maleegay oo ah dad qabiil iyo sedbursigu madaxmaray oo marnaba u taagnayn wixii Soomaali isku soodhoweynaya iyo wax wadalahaansho toona.Waana kuwii magaalada Gaalkacayo ee maamulka Galmudug xuduud qabiileedka dhex dhigay.
Sidoo kalena waa waxba kama jiraan beenta weyn ee la faafiyo ee ah in dadka ka dambeeya dagaalka Laascaanood metelaan Sool, Sanaag iyo Cayn. Ugu horeyn ma jiro gobol ama degmo la dhaho cayn, laakiin waxaa jira degaan cimilo ahaan la dhaho Cayn. Gobolada Sool, Sanaag iyo degaanka Cayn waa degaamo la wada dego oo qiyaastii 70% ay Beelaha Isaaq ee Habarjeclo iyo Habar-yoonis ay degaan dhinaca galbeed, dhinaca berigana Beelaha Harti.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*