Khasaaraha Dagaal Ka Dhacay Dhahar Oo Korodhay.
Dhahar, July 15, 2025 (Haatufonline) – Wararka ka imanaya magaalada Dhahar ee bariga gobolka Sanaag ayaa sheegaya inuu kordhay khasaaraha dagaal ka dhacay halkaasi.
Dagaalkan oo u dhexeeya Ciidamo ka tirsan Puntaland iyo maleeshiyo deegaanka ah oo taabacsan Dawladda Federalka Somalia ayaa waxa ku dhintay Shan, halka uu dhaawacuna gaadhay 10 kale.
Dagaalkan ayaa Puntland ay ku eedaysay inay Masuul ka tahay Dawlada Xasan Sheekh oo mudooyinkii u dambeeyey dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Puntland halkaasi ka waday.
Labada dhinac ee maanta ku dagaalamay degmada Dhahar ayaa wali is-horfadhiya, waxaana saacad kasta la filayaa inuu dib u qarxo.
Leave a comment