Latest News

Khasaaraha Ka Dhashay Dulgariirkii Ku Dhuftay Galbeedka Turkiga Oo Korodhay

Ankara, October 31, 2020 (Haatufonline)  –  Wararka ka imanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya inay kordhay Khasaaraha ka dhashay Dhul Gariir culus oo Jimcihii shalay ku dhuftay  badda Aegean Sea, kaasi oo saameeyay Magaalooyin ka mid ah Dalalka Turkiga iyo Giriiga.

Dhul Gariirka oo lagu cabbiray 7.0 magnitude ayaa wuxuu burburiyey illaa 18 dhisme, taasina waxay sababtay inay dad badan Geeriyoodaan, qaar kalena dhaawacmaan, halka qaarkoodna weli ku hoos jiraan dhismayaasha dumay.

Wararku waxay intaa ku darayaan in dadka ku dhintay Magaalada Izmir ay gaadhay 26 Qof, halka Kooxaha gurmadka Deg-degga ahina la tacaalayaan Dadka dhaawacmay.

Halka 2-da Qof ee kalena uu ku dilay Giriigga oo uu saameeyay, taasi oo tirada guud ka dhigaysa 26 Qof.

Sidoo kale, Kooxaha Gurmadka deg-degga ah ayaa Sabtida Maanta ku dhawaaqay in Magaalada Izmir oo Dhul-gariirku aad u sameeyay ay ku dhaawacmeen Dad ka badan 743 Qof.

Dhinaca kale, Magaalada Izmir waxa ku dhufatay Duufaano Daadad wadata.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*